Post View....

Sheekh Maxamed Shaakir oo la kulmay Saraakiisha Ciidamada (SAWIRRO)

0
57

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Madaxweynaha Galmudug ee garabka Ahlu Sunna ayaa caawa Magaalada Dhuusamareeb kula kulmay Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida.

Madaxweynaha ayaa waxa uu Saraakiisha Ciidmaada kaga mahadceliyay sida ay ugu hawlan yihiin suggida amniga iyo ka hortagga falalka liddiga ku ah xasiloonida iyo nabadgelyada deegaanka.

Madaxweyne Sheekh Maxamed Shaakir ayaa Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ku ammaanay, sida ay uga shaqeeyeen hawlaha nabadgelyada la xiriirta, mudadii ay doorashooyinka ka socdeen Magaalada Dhuusamareeb.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa waxaa uu warbixino ku aadana arrimaha amniga ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Militariga, Nabad Suggida & Booliska.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Galmudug ee garabka Ahlu Sunada Gobolada Dhexe ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu uu Saraakiisha faray inay sii wadaan hawlaha shaqo, ee ay u hayaan bulshada reer Galmudug.

About Author