Post View....

Askar Itoobiyaan ah oo iyagoo baxsad ah u gacan galay Al-Shabaab kadibna ladilay

0
60

Duleedka degmada Waajid ee gobolka Bakool galabta waxaa lagu dilay laba askari oo ka tirsanaa ciidanka Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Afrika ee AMISOM.

Dilka labadan askari waxaa geystay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo wadada u galay, kadib markii labadan askari ay ka baxeen xero militeri oo ciidanka Itoobiya ay ku leeyihiin garoonka degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababta labadaas askari ay uga baxeen saldhigga ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin duleedka Waajid, waxayna warar soo baxaya sheegayaan in ay baxsad u ahaayeen dhanka dalka Itoobiya.

Al-Shabaab oo war kasoo saaray dilka labadan askari ayaa sheegtay in ay ka furteen laba qori nuuca shiishka ee Shaam shuutarka loo yaqaan iyo qori AK47 ah oo ay wateen.

Sidoo kale Al-Shabaab warkooda waxa ay ku sheegeen in askartan ay baxsad u ahaayeen dalkoodii Itoobiya, kadib markii ay ku adkaatay nolosha go’doonka ah ee ku heysatay saldhigga, sida lagu yiri qoraalka Al-Shabaab.

About Author