Post View....

DAAWO:Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland”Farmaajo shaati dowladeed ayuu dadka ku leynayaa waana arimo…

0
71

Madaxweyne kuxigeenka koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka hadlay xaaladda Gobolka Gedo, isagoo baaqyo u kala diray beesha caalamka, labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Isagoo ka hadlayey xuduudka degmada Buulo-xaawo ee Gobolka Gedo ayuu ku eedeeyay dowaladda Soomaaliya inay khalkhal amni, iyo mid banidaam ka abuurtay Gobolka Gedo oo ciidamo badan ku soo daabusgay, taasoo abuurtay xaalad colaadeed iyo dhibaato nololeed oo ka taagan Gobolkaasi.

https://connect.facebook.net/en_US/sdk.js#xfbml=1&version=v6.0

Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay nin dowladda Soomaaliya ay ku howlan tahay iska horkeenka dadka Gobolka Gedo, iyadoo cunaqabateyn saartay Gobolka laga bilaabo 28-kii Janaayo 2020 oo aanay wax diyaarad ah tegin degaanada Gobolka Gedo, isla markaana ay ka guureen hay’adihii samafalka, isbitaaladiina ay xirmeen.

 

About Author