Post View....

Senatorada Aqalka Sare oo ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo colaadaha ka taagan duleedka Kismaayo

0
65

Muqdisho:- Mudanayaasha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashadooda ay tahay Jubbaland ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaal beeleedyada ka taagan deegaano duleedka ka ah magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah maamulka Jubbaland.

Senator Axmed Macalin Cumar (Nadiir) oo la hadlay Wakaaladda SONNA ayaa ku baaqay in si shuruud la’aan ah lagu joojiyo colaadaha ka taagan duleedka Kismaayo si loo baajiyo dhiigga shacabka ee micnadarada ku daadanaya.

“ Waxaan ku baaqayaa in si deg deg ah oo shuruud la’aan ah joojiyo colaadaha ka taagan duleedka Kismaayo si loo baajiyo daadashada dhiigga dadka Shacab ah oo qubanaya”.ayuu yiri Senator Axmed Macalin Cumar Nadiir oo la hadlay Wakaaladda SONNA.

Colaad beeleedyadan oo ka dhacay deegaanka Dalsan oo qiyaas ahaan 20-km u jira magaalada Kismaayo ayaa wuxuu salka ku hayaa Ceel-biyood laga qoday deegaanka,waxaana dagaalkaas uu sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay

About Author