Post View....

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Qoraal Ka soo Saartay Doorashadii ka dhacday maanta Galmudug

0
52

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka, iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa War kasoop saartay Doorashii Maanta ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa waxaa lagu bogaadiyay doorashada Madaxwayne iyo Madaxwayne ku xigeen Galmudug ee ka qabsoontay Dawlad Goboleedka Galmudug maanta oo ay taariikhdu tahay 2dii Febraayo 2020.

Sidoo kale Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda ayaa waxaa loogu hambalyeeyay Madaxweynaha Cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor iyo Madaxweyne ku-xigeenka maamulkaas Cali Daahir Ciid, kuwaasi oo ay doorteen Xildhibaanada Galmudug.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda

About Author