Post View....

Dagaalka xooggan oo ka Socda Kismaayo, dhimasho iyo Dhaawac ka dhashay.

0
60

Wararka ka inaga soo gaaraya Kismaayo ayaa sheegaay in Magaaladaasi uu saameyn ku yeeshay Dagaal Saacadihii la soo dhaafay socday.

Dagaalka ayaa waxa uu udhaxeeyaa maleeshiyo Beeleed isku heysta dhul ku yaalla Deegaanka dalsan Ee Duleedka Kismaayo.

In kudhaw 10 Qof ayaa dagaalka lagu dilay waxaana jira dhaawacyo intaas ka badan,lamana sheegi karo khasaaraha dhabta ah.

Weli rasaas ayaa dhaceysa dhinacyada isku haya Deegaanka,Ciidamada Jubbaland ayaa ku baxay joojinta Dagaalka,iyagoo xitaa soo xir xiray dad loo maleenayo inay abaabuleen dirirtaasi.

About Author