Post View....

SAWIRRO:Gudoomiyaha MSD: Hab Electronic ah ayaa dacwadda lagu maamulaa

0
66

Gudoomiyaha Maxkamadda sare Dalka, Baashe Yuusuf Axmed oo khudbad ka jeediyay Shirka Hay’adda Garsoorka Dalka ee maanta ka furmay Magaalada Muqdisho ayaa ka waramay horumarka Garsoorka iyo caqabadaha weli haysta.

Shirkan oo sanadkiisii labaad uu noqonayo in lagu qabto Magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo qaban-qaabisay Maxkamadda Sare Dalka, waxaana sanadkan hal kudhig looga dhigay (Garsoor Tayo Leh).

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa sheegay in la mideeyay Tababarada Garsoorka, isagoo xusay inay qabteen imtixaan daahfuran, ayna ku qaateen 40 Garsoore iyo 50 Kaaliye, sidoo kalena ay hirgeliyeen adeeg casri ah oo dacwadaha lagu maamulo.

“Waxaan mideenay Tababarada Garsoorka Dalka, waxaana dhammaad ah Dhismaha Machadka Garsoorka, waxaana qaadnay imtixaan daah-furan, oo ku qaadanay 40 Garsoore iyo 50 Kaaliye, waxaana abuurnay hab Electronic ah oo dacwadaha lagu maamulo.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha ayaa intaa ku daray “Waxaa la xoojiyay, isla-xisaabtanka Garsoorka dhexdiisa, la dagaalanka musuqa iyo laaluushka.”

Gudoomiyaha oo khudbadiisu ay dhinacyo badan taabaneysay ayaa soo hadalqaaday Miisaaniyadda Garsoorka Dalka uu ku shaqeeyo, oo sida uu sheegay aad u yar, isla-markaana ay jiraan Garsoore-yaal iyo Xeer Ilaaliye-yaal aan mushaar helin.

“Miisaaniyadda Garsoorka aad ayay u yar tahay, waxaa jira Garsoore-yaal iyo Xeer Ilaaliye-yaal aan mushaar helin qaybo ka mid ah Maamul Gobaleedyada.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Baashe Yuusuf Axmed, Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Dalka waxaa uu codsaday in la taageero Hay’adda Garsoorka Dalka, si loo wiiqo musuq maasuqa hareeyay dalka.

“Waxaan codsanaynaa in Garsoorka la taageero, si loola diriro musuqa.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Dalka, waxaana uu hadalkan jeedinayaa, xilli Somaliya ay markale sanadkan safka hore ka noqotay dalalka ugu musuq maasuqa badan dunida.

Shirka Hay’adda Garsoorka Dalka oo laba maalmood ka socon doono Magaalada Muqdisho ayaa furitaankiisii maanta waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiin laga xusi karo Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Taliyaha Booliska Somaliya, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), Wasiiro iyo Xildhibaano Baarlamaanka Somaliya ka tirsan.

About Author