Post View....

SAWIRO:Madaxweynaha Galmudug & Saraakiisha AMISOM oo Go’aan gaarey Dagaalka shabab

0
65

Madaxwaynaha Maamul gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa Maanta xafiiskiisa waxaa uu ku qaabilay Saraakiil ka socotay Ciidamada Amisom ee ka howlgala deegaannada Galmudug.

Kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen sidii loo xoojin lahaa Amniga deegaanada Galmudug, sidoo kale waxa la isla gartay sidii loo xoreyn lahaa deegaanada ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Madaxweynaha Galmudug ayaa shegay in maamulkiisa ay ka shaqeyn doonaan sidii nabad iyo amni loogu s Amni ay helaan dhammaan shacabka reer Galmudug.

Saraakiisha Ciidamada AMISOM ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen inay ka go’an tahay in Maamulka Cusub & Ciidamada inay kala Shaqeeyaan sugida Amniga deegaannada Galmudug iyo xureynta deegaannada ka maqan gacanta Maamulka.

Waa markii labaad oo Madaxweynaha Cusub ee Maamul gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye uu Dhuusamareeb kula kulmo Saraakiisha Ciidamada AMSISOM tan iyo markii la doortey.

 

About Author