Post View....

Sawirro:Askar ku dhimatay & Masuul dhaawac soo gaaray kadib qarax lagula eegtay Muqdisho

0
76

Qarax miino ayaa ka dhacay Isgoyska Xoosh ee Degmada Dharkiinley, halkaasi oo gaari uu saarnaa masuul ka tirsan Maamulka Degmada Kaxda lagu qarxiyay.

Sida wararka ay sheegayaan Guddoomiye Ku xigeenka Amniga Maamulka Degmada Kaxda ayaa dhaawac uu soo gaaray, waxaana halkaasi ku dhintay laba Askari oo illaaladiisa ka mid aheyd.

Gaariga qaraxa lala eegtay ayaa ahaa nooca ay Soomaalida u taqaano Qooqan-ta, waxaana la socday guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee degmada Kaxda, Cabdinaasir Xasan Cali.

Askarta dhimatay & dhaawaca Guddoomiye Ku xigeenka ayaa waxaa loo soo qaaday Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo lagu daaweynaayo.

Waa qaraxii labaad oo miino ah oo saaka ka dhaca Muqdisho, iyadoo kii hore lala eegtay Kolonyo ay la socdeen Ciidamada Amisom oo maraayay nawaaxiga Excontrol Balcad.

About Author