Post View....

Qarax xoogan oo ka dhacay Muqdisho iyo mas’uul ku dhaawacmay

0
76

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay  magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay miinada dhulka lagu aaso, kaas oo lala eegtay gaari uu la socday mas’uul ka tirsan maamulka degmada Kaxda iyo ilaaladiisa, xilli ay marayeen isgoyska Xoosh ee degmada Dharkenley.

Gaariga qaraxa lala eegtay ayaa ahaa nooca ay Soomaalida u taqaano Qooqan-ta, waxaana la socday guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee degmada Kaxda, Cabdinaasir Xasan Cali, sida ay Warbaahinta  u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxaasi ay ku dhinteen labo askari oo ilaalo u ahaa mas’uulkaasi, isaguna uu dhaawac ka soo gaaray.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, gaar ahaan kuwa howlgala degmada Dharkenley ayaa goobta gaaray, kuwaas oo xiray dhaq dhaqaaqyo isgoyska Xoosh ee degmadaasi.

Xaaladda ayaa hatan kacsan, welina ma jiro wax faah faahin ah oo laamaha amniga ay ka bixiyeen qaraxaasi.

 

About Author