Post View....

Ciidamada Dowladda oo hawlgalo ka wada Magaalada Dhuusamareeb & Cabsii dagaal oo kajirta

0
67

Ciidamada Dowladda Somaliya ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa dhaqdhaqaaqyo amniga lagu suggayo ka wada Xarunta Gobolka Galgaduud.

Ciidamada ayuu ujeedkoodu yahay inay xaqiijiyan amniga magaalada, isla-markaana ay ka hortaggan wax kasta oo ay u arkaan inay caqabad ku noqon karaan xasiloonida magaalada.

Ciidamada Dowladda ayaa kontoroolo hor leh ka samaystay wadooyinka magaalada iyo kuwa kale ee dhex mara xaafadaha, taa oo qayb ka ah qorshaha lagu adkeynayo ammaanka magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda ay kontooroladan ku hubinaya amniga gaadiidka iyo dadka socotada ahba.

Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya in Ciidamada Dowladda ay xadidayan isu socodka gaadiidka, inkastoo aanay hakad buuxdo gelin isticmaalka gaadiidka.

Ciidamada ayaana Axada berrito hakad guud gelin doono gaadiidka dadweynaha iyo kuwa kale ee gaarka loo leeyahay, haddii ayba dhacdo in garabka dowladda uu qabanayo Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka.

Sidoo kale Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa ciidan dheeraad ah geeyay kontoroolada laga soo galo magaalada, waxaana baaritaano adag lagu marsiinaya gaadiidka iyo dadka doonaya inay gudaha u soo galaan magaaladaasi.

Magaalada ayaa waxaa ka soconaya kulamo iska soo horjeedo, kuwaa oo qaarkood loogu diyaargaroobayo doorashada la fillayo inay berrito ka qabsoomto magaalada.

Afar ka mid ah musharaxiinta u taagan jegada Madaxtinimada Galmudug ayaa weli ka goys-adeegaya ka qaybgalka doorashada, ay garwadeenka ka tahay Dowladda Federaalka, iyagoona dalbanaya arrimo ay ka mid yihiin in la mideeyo Guddigii Doorashada Madaxtooyada ee kala qaybsamay iyo in dib loo dhigo doorashada, si ay fursad ugu hellaan la kulanka Xildhibaanada.

 

About Author