Post View....

SAWIRO:Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada Dhuusamareeb

0
61

Magaalada Dhuusamareeb ayaa la filayaa in daqiiqadaha soo socda ay ka bilabato doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Galmudug oo Maanta loo asteeyey.

Doorashada ayaa waxa ku tartamaya Afarax Musharax oo u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Galmudug iyo Shan musharax u taagan xilka Madaxweyne kuxigeenkawaxaana aad loo adkeeyey Amniga, iyada oo Ciidamo farabadan la dhigey Wadooyinka soo gala Xarunta Shiirkoole oo ah halka doorashada lagu qabanayo.

Hoos Ka Akhriso Magacyada Musharixiinta.

1: Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor)

2: Cabdiraxman Axmed Sabriye

3: Axmed Shire Maxamed (falagle)

4: Axmed Cabdullaahi Samater.

Magacyada Musharixiinta Madaweyne kuxigeennada.

1: Cali Daahir Ciid

2: Axmed Yuusuf Warsame (Taajir)

3: Saadaq Cabdullaahi Xaashi

4: Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey)

5:Cabdi Qani Sheekh Cali Diini.

In kastoo doorasho Maanta ay ka dhaceyso Magaalada Dhuusamareeb ayaa hadana waxaa doorashadaas iska diidey Afar musharax oo aan is diiwaangelin,hoggaanka Ahlusunna iyo Madaxweyne Xaaf.

 

About Author