Safiirka Mareykanaka ee u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa War kasoo saaray Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo ku-xigeenka oo saacdaha soo socda la filayo inay ka dhacdo Magaalada Dhuusaamreeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud.
War qoraal ah oo boggiisa Twitter-ka uu kusoo qoray Safiirka Mareykanaka ee Soomaaliya ayaa waxaan ku sheegay inuu Isha ku haayo Arrimaha Doorashada Galmudug ee Maanta qorshahu yahay inay ka dhacdo Duusamareeb.
Donald Yamamoto ayaa waxaa uu qof kasta ee quseysa Doorahada Galmudug ugu baaqay inuu ka fogaado fowdo iyo rabshado dhaca, isla markana waxaa uu la dalbaday in laga wada qeyb qaato wadahadala nabadeed ee socda.
Amb Yamamoto & @US2Somalia are closely watching the process in #Galmudug. We call for everyone to refrain threats of violence & continue to participate in peaceful dialogue. #Somalia
— U.S. Embassy Mogadishu, Somalia (@US2SOMALIA) February 1, 2020
https://platform.twitter.com/widgets.js
Doorashada Maanta ka dhaceysa Dhuusamareeb ayaa waxaa kasoo horjeeda qaar kamid ah Musharaxiinta Galmudug iyo Ahlusunna Waljameeca oo dhawaan Madaxweynaha Galmudug u doortay Sheekh Shaakir, iyagoo dowoladda ku eedeeyay inay Doorashada afduubatay.
Dhinaca kale Sheekh Shaakir ayaa Digniin Culus kasoo saaray Doorashada Maanta la filayo inay ka dhacdo Magaalada Dhuusamareeb oo ay taageersan tahay , waxaana uu sheegay Sheekh Shaakir in dowladda ay Mas’uuliyada qaadi doono wixii fowdo ah ee Maanta ka dhaca halkaas.
Â