Post View....

Axmed Ducaale Xaaf “Doorashada Dhuusamareeb ka dhaceysa kama duwana tii Axmed Baasto ee Cadaado”+Dhageyso

0
78

Madaxweynha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in doorashada maanta ka dhaceysa Dhuusamareeb ee ay dowladda Federaalka gadaal ka riixeyso ay tahay mid aan waxba ka jirin.

Axmed Ducaale Xaaf ayaa sheegay in doorashada Dhuusamareeb aanay waxba ka duwanaan doonin tii ka dhacday Cadaado ee sanad ka hor lagu doorto Axmed Baasto sida uu yiri.

“Dhuusamareeb doorashada ka dhaceysa waa doorashadii Cadaado ka dhacday oo kale ee Axmed Baasto lagu doortay, midka la dooranaya waa kii Baasto sameeyay oo Cadaado keenay, kan ku xigana waa kii qaabulay Maxamed Xaashi Carabey, Gacanla waa kii kale, anaga dowlad baa nahay, Madaxweynaha waa joogaa, Baarlamaanka waa joogaa, cid walba waa joogtaa, ma ahan dad ay soo qaadaan xamar ka soo daad-guureeyaan oo xafiisyadooda ka shaqeeyaan oo yiraahdaan xildhibaano tihiin, hadana ninkaan doortay”ayuu yiri Axmed Ducaale Xaaf.

Waxaa uu sheegay in waxyaabaha qaarkood aan wax loo dulqaadan karo aanay aheyn, sida dowladda inay wadato hebel iyo hala doorto, waxaana uu uga digay dowladda Federaalka in waxyaabaha ay wado haddii ay ka tanaasuli weydo inay naftooda qatar ku geli doonaan.

Khilaafka ka taagan dhimaha maamulka Galmudug ayaa sabab u noqday in saddex garab ukala qeybsanto, iyadoo Madaxweyne Xaaf oo fadhigiisu yahay Gaalkacyo uu ku adkeysanayo inuu isaga yahay Madaxweynaha sharciga ee Galmudug, halka Sheekh Shaakir oo ah garabka Ahlusuna ay maalmo ka hor Dhuusamareeb isna loogu doortay Madaxweynaha Galmudug.


About Author