Post View....

SAWIRO:Ciidamo loo diyaariyey dagaalka Al-Shabaab oo la soo bandhigey & Tiirada ciidamadaasi

0
56

Ciidamadaan oo dhowaan loo diiwaan galiyay ka mid noqoshada Ciidanka qalabka sida gaar ahaan Xoogga dalka kuna jira dugsiga Tababarka “Aruuris” ee duleedka Deegaanka Xananbuure ayaa waxaa kormeer la xiriira howlaha diyaarinta ciidankan Ku gaarey G/Le Aadan Siyaad Cabdi Taliye xigeenka Qaybta 21-aad , taliyaha ayaa Warbixino ka dhageystay saraakiisha xerada iyo guud ahaan Taliska dugsiga oo kaga warbixiyay tilaabooyinka loo qaadey diyaarinta Ciidankan.

Taliye xigeenka ayaa Ciidanka kula dardaarmey isku diyaarinta howsha adag ee laga sugayo oo u baahan dhiiranaan iyo ka faaiideysiga casharada lasiinayo mudada tababarku uu socdo.

Sidoo kale isla madasha ayaa lagu qabtay bandhig dhiiri galin ah oo ay soo qaban qaabiyeen kooxda Horseed ee Ciidanka xoogga Dalka qaybtooda 21-aad kuwaas oo wadaniyada iyo macnaha dhab ahaanshaha dagaalka lagula jiro Kooxaha kasoo horjeeda dowlada sida uu sheegay Taliyaha.

About Author