Post View....

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galaya Shir Madaxeedka Midowga Afrika+Ajandaha shirkaasi

0
55

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa magaalada Addis Ababa uga qeyb galaya shir madaxeedka Midowga Afrika oo maanta si rasmi ah u furmaya.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya madaxda Afrika iyo madax kale oo adduunka ka socda oo lagu casuumay shir sanadkeeda Midowga Afrika.

Madaxweyne Farmaajo inta uu ku sugan yahay Addis Ababa shir doceedyo la qaadan doonaa Madaxda kala duwan ee shirka ka qeyb galeysa.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu shirkan ka jeediyo khudbad uga hadlayo xaalada Soomaaliya, iyadoo shalay ku beegneyd sanad-guuradiisa 3aad ee ka soo wareegatay markii loo doortay xilka Madaxweynaha.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa xalay ka qeyb galeysa Shirka 34-aad ee Caadiga ah ee Madaxda Dalalka iyo Dowladaha ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD, kaasoo diiradda lagu saarayo sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Koonfurta Suudaan.

 

About Author