Post View....

Dhageyso:Madaxweyne Farmaajo oo kulan gaar ah uga qeyb-galay Dalka Itoobiya & Madaxda uu la kulmay

0
50

Fadhi gaar ah oo Madaxda Urur Goboleedka IGAD ay ku gorfaynayeen xaaladda dalka Koonfurta Suudaan ayaa kusoo geba-gaboobay Itoobiya, waxa ayna Madaxdu iska xog wareysteen miro dhalka dadaallada heer Gobol iyo heer Qaaradeed ee lagu nabadeynayo dalkaas.

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Abdinur Mohamed Ahmed ayaa ka warbixiyey ka qeyb galka Madaxweynaha JFS iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee shirkaas oo muujiyey in Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay garab taagan yihiin qorsheyaasha xasilinta amni iyo siyaasadeed ee Gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan Qaaradda.

Hoos Ka Dhageyso Codka Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya.


 

About Author