Post View....

Sarkaal is casilay kaddib markii uu ka carooday kulankii Burhaan iyo Nentanyahu

0
78

Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Suudaan ayaa xilka iska casilay kaddib markii uu ka carooday kulankii dhawaan dhexmaray hogaamiyaha sare ee golaha militariga Suudaan Janaraal Cabdul Fataax Al Burhaan iyo ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, sida uu ku warramay wargeyska gaarka loo leeyahay ee Al Intibah ee kasoo baxa dalkaas.

“Agaasimihii waaxda arrimaha dibadda ee golaha, Ambassador Rashad Faraj Al Tayib ayaa gudbiyay warqaddiisa iscasilaadda isagoo ka careysan kulankii Uganda ku dhexmaray Benjamin Netanyahu iyo Al Burhaan” ayuu wargeyska ku warramay.

Kulankii Al Burhaan iyo Netanyahu ayaa caro ka dhex dhalisay gudaha Suudaan inkasta oo ay ra’iisul wasaare Cabdalla Hamdok uu sheegay in aanu waxbo iska baddalin mowqifkooda ku aadan qaddiyadda Falastiin.

About Author