Post View....

Hir-Shabeelle oo Mareykanka & QM kala hadashay Arrimaha fatahaadaha

0
58

Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle oo maalmahaan ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu kulan la qaatey Wakiilka Qarmada Midoobey ee Soomaaliya Amb, James Swan.

Kulanka ayaa labada mas’uul waxaa ay uga wada hadleen daadejinta golaha deegaanka Hir-Shabeelle,wax ka qabashada arimaha barakacayaasha, Fatahaadaha iyo qodobo kale oo muhiim u ah Maamulka Hir-Shabeelle.

Dhinaca kale Wasiir Caadle ayaa Xarunta ugu weyn Hay’adaha Un-ka ee Xalane waxaa uu kula kulmay Safiirka Mareykanka ee Sooomaaliya amb, Donland Yamamoto ,iyaga oo ka wada hadlay arrimo dhowr ah.

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya amb, Donland Yamamoto ayaa sheegay in ay Maamulka Hir-Shabeelle ka caawin doonan ka hortaga arrimaha fatahaadaha oo dhibaato fabadan ku haayo deegaannada Hir-Shabeelle.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa labada Mas’uul waxaa uu uga mahad celiyey sida ay u garab taagan yihiin Shacabka Soomaaliyeed,isaga oo ugu baaqay iay taageeradaas kordhiyaan.

About Author