Post View....

Ugaarsiga Kooxaha Burcadda Koonfur Afrikanka ku hayaan Soomaalida oo sii korortay

0
78

Kooxaha Burcadda Koonfur Afrikanka ah ayaa waxaa ay sanadihii ugu dambeeyey kordhiyeen weerarada joogtada ah oo ay ku hayaan dadka Ajaanibta ah gaar ahaan Soomaalida Ganacsi ahaan u tagtay dalkaas.

Sanadkii tegay ee 2019 ayaa waxaa Magaalooyinka kala duwan ee dalka Koonfur Afrika dilal,dhaawac, iyo boob hantiyadeed loogu geystay Soomaali farabadan,kuwaas oo qaarkood dalkaasi ay kasoo carareen.

Sanadkaan 2020 ayaa sidoo kale waxaa si caadi ah u socda dilalka iyo Boobka lagu haayo Soomaalida ku Ganacsata dalka Koonfur Afrika,waxaana la dilay tiro dhalinyaro ah halka kuwo kale la dhaawacay lana boobey hantidooda.

Xalay fiidkii rag hubeysan ayaa Goobtiisa Ganacsiga waxaa ay ku weerareen Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo dhagay Xeyle,taas oo ku taalla Magaalada Polokwane Ee Dalka Koonfur Afrika.

Kooxaha Burcada ah ayaa muwaadinka Soomaaliyeed ay u geysteen dhaawac culus oo sababey in Isbitaal loola cararo,waxaana sidoo kale lagu soo waramayaa in lacago farabadan oo goobtiisa Ganacsi u yaallay inay qaateen.

Majiraan Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladaha Koonfur Afrika iyo Soomaaliya oo ka hadlaya dhibaatada lagu haayo Soomaalida,iyada oo Dowladda Soomaaliya ay dhawaan safiir Cusub u magacaawday dalkaas.

About Author