Post View....

Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Addis Ababa oo ku soo aaday sanad-guuradii 3aad ee doorashadiisa

0
67

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhow u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, wax yar kaddib markii uu saxiixay Sharciga Batroolka.

Safarka Madaxweyne Farmaajo ayaa ku soo aaday, iyadoo maanta ay ku beegan tahay 8-da February 3 sano guuradii ka soo wareegatay markii loo doortay xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Ka hor inta aanu Madaxweynuhu ka dhoofin garoonka waxaa loo xiray wadada ka baxda Madaxtooyada, hor marta Dekeda Muqdisho illaa School Polizio.

Madaxweyne Farmaajo ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya uga qeyb galaya shir madaxeedka Midowga Afrika ee sanadlaha ah.

Madaxweynaha ayaa bilihii u dambeeyay safarada ugu badan ku tagayay magaalooyinka Asmara iyo Addis Ababa, oo Madaxda labadaas dal ay ku mideysan yihiin isbaheysi saddex geesood ah oo iskaashiga dhaqaalaha iyo is dhex galka saddexda dal ee Somalia, Eritrea iyo Itoobiya.

Xilligii uu Ololaha ku jiray Madaxweyne Farmaajo waxaa uu Madaxdii ka horeysay ku eedeyn jiray safarada badan ee dibadda iyo jidadka xiran ee magaalada, hase ahaatee si taas la mid ah ayuu qaaday dhaqankii uu madaxdii isaga ka horeeyay ku eedeyn jiray.

 

 

About Author