Post View....

DEG DEG: Aqalka Sare oo meel mariyay Sharciga Doorashooyinka Qaranka

0
56

Xildhibanada Golaha Aqalka Sare ayaa goor dhow meelmariyay Sharciga doorashooyinka Qaranka.

Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ayaa dood adag ka lahaa maalmihii lasoo dhaafay Sharciga doorashooyinka.

Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa sheegay in si aqbalibiyad leh ay xildhibaanada u Ansixiyeen Sharciga.

Sharcigaan ayaa horay waxaa u meelmariyay Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu waddaa in uu saxiixo Sharciggaan si uu dhaqan galo.

 

About Author