Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya Dagaal gudaha Baladxaawo ku dhax maray ciidamo uu hogaaminayo Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan iyo ciidamo ka amar qaata Dowladda Soomaaliya.
Labada Ciidan ayaa waxaa dhax martay Dagaal kooban oo dhaliyay Dhimshada iyo dhaawac ilaa 4 Askari oo ka kala tirsan labada dhinac ciidamada Xoogga ee la geeyay magaalada Iyo kuwa Jubbaland.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii gudaha magaalada ay soo galeen ciidamada Wasiir Janan oo isku dayay iney hubka ka dhigaan qeyb kamid ah ciidamada Xoogga ee ku sugan Magaalada Baladxaawo.
Â