Post View....

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Hal arin kala hadlay Odoyaal ka kala socda Puntland iyo Dowlad Deegaanka

0
64

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan ayaa xalay kulan casho ah u sameeyay Odoyaal dhaqameed ka kala yimid Maamulka Puntland iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida, kuwaas oo Muqdisho ku sugan.

Kulanka waxaa ka qaybgalay Wasiiro katirsan Xukuumadda, Xildhibaanno, Saraakiil Ciidan, Mas’uuliyiin ka socotay Maamulka Gobolka Banaadir iyo Odoyaasha dhaqanka.

Ujeedka kulanka waxa ay Xukuumadda Soomaaliya ku sheegtay in uu ahaa mid lagu soo dhaweynayo Odoyaasha dhaqanka ee soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Odayaal dhaqameed ka kala socda Deegaanada Dowlad Goboleedka Puntland iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida waxa ay wararku sheegayaan in kulamo kale ay la qaadanayaan mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya wali ma faah-faahin ujeedka socdaalka Odoyaashaan, marka laga tago kulanka cashada ah ee uu u sameeyay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Xasan Cali Kheyre, waxaana warar la hadal hayo ay sheegayaan in socdaalkooda uu salka ku hayo kulamo ay la qaadanayaan madaxda sare ee Dalka.

 

About Author