Post View....

“Dalal Soomaaliya ka liita ayaa ardeydooda la baxeen Balse Safaaradenu waxay inoo sheegtay in Dhaqaalaha dalka uu Liito”Ardayda Wahun.+Dhageyso

0
70

Ardayda Soomaaliyeed ee wax ku barta dalka China gaar ahaan Magaalada Waahun ayaa Muujinaya xaalad wal wal kadib markii dalkaas ay isaga baxeen ardayda kale ee ajaanibta ahaa.

Cabdi Qaadir Maxamed oo Kamid ah Ardayda Soomaaliyeed ee Halkaas ku sugan Ayaa Warbaahinta u Sheegay in Safaarada soomaaliyeed ee dalkaas ay la xariireen Balse Aysan jirin Jawaab waafi ah oo ka haleen.

Wadamadii ugu dambeeyey ee ardaydooda la qaaday kadib ayuu sheegay in wal walka uu kusii Kordhay Ardeyda Soomaaliyeed ee ku sugan Magaaladda Wahun.

Geesta kale Cabdi Qaadir Ayaa sheegay in Safaarada waraaq ay usoo direen loogu sheegay in dowlada Dhakhaalaheeda uu liito meel sarena uusan gaarsiisneyn.

“Hadaladii Waraqda Waxaa kamid ahaa Muwaadin Dowlada waad ogtahay in Burbur ay ku soo Jirtay oo dhaqaalaheeda uusan halkaas gaarsiisneyn Balse Dowladaadu ay kuu maqan tahay,Halkaas hadii aan ka jawaabo dowlado liito sida Syria ayaa ardeydoodu la baxeen,Dowladeena Masuuliyad ha isa saarto”.ayuu Yiri Cabdi Qaadir Maxamed.

Tirada Guud ee Ardeyda Soomaaliyeed ee Ku sugan Wahun waxaa ayaa kor u dhaafayaan 40 Kuwaas oo dhigta Jaamacado kala duwan.

Wasiirka arimaha dibada soomaaliya Axmed Ciise CAwad ayaa dhawaan sheegay in ay ka warqabaan Xaalada ardayda Soomaaliyeed ee Ku sugan Wahun.



About Author