Post View....

Ciidamada katirsan Booliiska gaarka ee Dowladda oo maanta la geynayo qaybo kamid ah Gobolka Gedo…

0
67

Saraakiil katirsan maamulka Gobolka Gedo ayaa Warbahainta u sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya saacadihii lasoo dhaafay ciidamo ay geysay qaar kamid ah degmooyinka Gobolkaas.

 

Dowladda Federaalka ayaa maanta qorsheyneysa in ciidamada booliiska gaarka ah ee Haram-Cad geyso Magaalada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo oo ay ku sugan yihiin ciidamo kale oo katirsan Dowladda iyo kuwa Jubbaland.

 

Lama shaacin tirada ciidamada la geynayo Balad-Xaawo iyo ujeedka loo geynayo, balse waxaa la tilmaamay in ay qayb ka yihiin qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ciidamo ugu diyaarisay deegaanada qaar ee dalka.

 

Maalmihii lasoo dhaafay Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ciidamo geyneysay qaybo kamid ah Gobolka Gedo, waana tan keentay in qaabab kala duwan ay uga falceliyaan Xildhibaanada Golaha Shacabka ee kasoo jeeda Gobolkaas iyo maamulka Gobolka Gedo.

 

Magaalada Balad-Xaawo waxaa shalay tagay Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur oo ku magac dheer (Cabdirashiid Janan) oo ka baxsaday Xabsi ay ku heysay Dowladda Federaalka 28-kii Janaayo.

 

Ma jiro war kasoo baxay Dowladda Federaalka oo ay ku faah-faahineyso ciidamada ay geysay qaybo kamid ah Gobolka Gedo, isla markaana kuwo cusub ay u qorsheysay in ay geyso magaalooyinka qaar ee Gedo.

About Author