Post View....

Musharax Daahir Geelle” Farmaajo Dadka Dhaliilsan Dalka Kuma Ahan Cadaw”

0
64

Musharax Madaxweyne ee doorashada soo socota Siyaasi Daahir Maxamuud Geelle oo weli ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa munaasabad kale oo soo dhaweyn ah u sameeyey Soomaalida ku nool dalkaas,isaga oo u soo bandhigay qorshihiisa Siyaasadeed.

Musharax Daahir Geelle ayaa sheegay in xilligaan uusan diyaar u aheyn in uu dhaleeceeyo Madaxdii uu la soo Shaqeeyey ee dowladda Federaalka,sida Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha,hayeeshee wixii ka qaloocdey iyo sababtii ay uga qaloocdeen uu ogyahay.

“Gobolada dadka jooga sida Maamul goboleedyada iyo xubnaha kale ee diidan dowladda ma ahan cadawga dalka ee waxaa laga yaaba inay beri dalkaan maamulaan oo ay wax fiican qabtaan ayuu yiri”Musharax Madaxweyne  Daahir Geelle.

Wasiirkii hore ee Warfaafita hadana ah musharax u taagan xilka madaxweynaha ee 2020-ka Daahir Maxamuud Geelle ayaa durba bilaabay ololahiisa doorashada,wuxuuna si aad ah u dhaliilay siyaasadda Xukuumadda Kheyre oo uu ka mid ahaa.

 

About Author