Post View....

DHAGEYSO: Jubbaland Oo Qarka U Saaran Dagaal & Saraakiil Ciidan Oo Ka Digay

0
57

Korneyl Cabaas Ibraahim Gureey oo kamid ah Saraakiisha Sar sare ee Ciidamada Jubbaland,isla markaana shalay gaaray degmada Beled-Xaawo ayaa ka digey in qeybo kamid ah gobolka Gedo uu dagaal ku dhex-maro Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland.

Waxaa uu sheegay in isaga oo boqolaal ka tirsan Ciidamada Daraawiishta Jubbaland la hadlayay in Ciidamada Jubbaland ay waajibaadkooda gudan doonaan,hayeeshee uu ka xun yahay in Ciidamada Dowladda & kuwa Jubbaland ay difaac isugu jiraan.

“Waxaa wax laga xumàado ay tahay in Ciidankii Al-Shabaab la dagaali lahaa ay dhufays isugu jiraan,taasina waxaa sabab teeda ay tahay arrimo la xiriira siyaasad,waxaana rajeynayaa in laga bixi doono si cadawga loo wajaho ayuu yiri” Korneyl Cabaas.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay Korneylka in Ciidamada Jubbaland ee ku sugan gobolka Gedo iyo kuwo kale oo kusoo biiraya ay fulin doonaan howlgallo kala duwan oo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.

Korneyl Cabaas Ibraahim Gureey oo kamid ah Saraakiisha Sar sare ee Ciidamada Jubbaland ayaa waxaa uu kamid yahay Saraakiisha sida weyn in muddo ah uga howlgalayay gobolka Gedo,isla markaana taageersan siyaasada Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.


About Author