Post View....

Maxkamad ku taalla Balanbale oo go’aan ka gaartay Shuruudaha la hordhigo Ragga Guurdoonka ah.

0
63

Maxkamad ku taalla Magaalada Balanbale ee Gobolka Galgaduud ayaa go’aan kasoo saartay Jaangoynta Dhaqaalaha lagu bixiyo Arooska oo saameyn taban ku yeeshay Ragga guurdoonka ah.

Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda Balanbale Cabdi Haajir oo La hadlay BBC-da waxa uu sheegay in ay fadhi ka yeesheen sidii wax looga qaban lahaa Dhaqaalaha badan ee lagu xiro Ninka guurdoonka ah marka uu Inanta doonto.

“Dhibaatada aan aragnay ee sababta u ah go’aankeena waxaa kamid ah, In Gabadha ehelkeeda ay wiilka ku xiraan in uu bixiyo Labo Rati iyo 40 Neef oo ari ah, oo ay usii dheertay Gawaari dhan 40 oo lagu galbiyo Arooska, taasi waa Awood sheegad oo lagu yareynayo guurka” ayuu yiri Cabdi Haajir.

Qaadashada go’aanka lagu bur-burinayo Shuruudaha ku hor-gudban Guurka waxa uu tilmaamay in ay isla gaareen Culimada, Waalidiinta iyo Waxgaradka, si aan culeys looga dhigin Ragga.

“Dhaqaalaha Guurka waxa aan u xadidnay oo waxa aan ka dhignay Saddex Gaari, halka la gowrici lahaa Xoolo aad u badan oo xitaa aan u wanaagsaneen Dadka ka dhigno Xoolo kooban oo aan shuruud ku noqon qoyska Ragga ee Inanta doonta” ayuu raaciyay Gudoomiye ku xigeenka Maxkamadda Balanbale.

 

About Author