Post View....

Maxkamadda Alshabaab oo Wiil & Gabar is-masaafeystay ku fulisay Xukun xad ah, markii uu dacweeyay

0
102

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa Goob fagaaro ah waxaa ay xukun karbaash ah ay ku fuliyeen Gabar iyo Wiil la sheegay inay ku kaceen fal Zino ah, iyagoo aan wax Guur ah soo marin.

War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay sheegeen in xukunka Karbaashka ahaa uu ka dhacay goob faraago ah isla, markaana Wiilka iyo Gabadha lagu fuliyay min 100 Karbaash, kadib markii ay sameeyeen gogol dhaaf.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa sheegtay in Wiilka oo lagu magacaabo Saalim Xasan Abuukar uu xaafad ka tirsan Muqdisho kala baxay Gabadha oo magaceeda lagu sheegay Qaali Maxamed, iyagoona isla aaday deegaanka Golweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Al-shabaab ayaa tilmaamtay in Wiilka iyo Gabadha uu Maxkamadooda kasoo dacweeyay Aabe Maxamed Abuukar oo dhalay Qaali Max’med, sidaasina xukunka Karbaashka loogu fuliyay labada ruux.

Si kastaba Al-shabaab ayaa dhowr jeer waxaa ay xukuno isugu jira Dil iyo Karbaash ay ku fuliyeen dad loo jeediyay eedeeymo kala duwan, waxaana xukunadaas inta badan ay ka dhaceen dee

 

About Author