Post View....

Ciidamada Ammaanka Oo Gacanta Ku Dhigay Rag Xalay Dil Geystay & Howgal kasocda Deegaanka Guriceel

0
68

Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan Laba Eedeysane oo loo haysto dil Xalay loo geeystay laba nin oo kamid ah dadka deegaanka kaas oo ka dhacay deegaanka Habar-cirir oo dhanka Koonfur ka xiga deegaanka Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Taliyaha Booliiska degmada Matabaan Dhamme C/fitaax Maxamed Jaamac (Fooneeye) oo la hadlay warbaahinta ayaa Xaqiijiyey in labada Eedeysane ee Hadda la hayo laga qabtay duleedka degmada Matabaan, isagoo sheegay in ay ku raad joogaan laba  kale oo qeyb ka ahaa dilka.

Talisyada Ciidamada gaar ahaan Booliiska Degmada Matabaan ayaa Bulshada ku wargaliyey in Labada Eedeysane ee hada la raadino Cidii aragtaa ay ku soo wargaliyaan Saldhiga Booliska.

 

About Author