Post View....

C/Raxmaan C/Shakuur Oo Sheegay In Dowladda Somalia Dabagal Ku Heyso & Cabsi weyn soo wajahday

0
71

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo ah hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa Madaxda Dowladda Federaalka waxaa uu ku eedeeyey inay isaga ku haayaan dabagal la xiriira dhaq dhaqaaqiisa u gaarka ah.

Wareysi uu siiyey Warbaahin Alkhaleej  ee laga leeyahay wadanka Imaaraadka Carabta ayuu ku sheegay in dowladda Federaalka ay ku haayaan ilaalo iyo dabagal dhaq dhaqaaqiisa ah gudaha iyo dibadda sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa jiro walaac badan oo aan qabo,kadib weerarkii Bishii December lagu soo qaadey Xarunteena ee lagu dilay Shan kamid ah ilaaladeyda sidoo kale aniga aan dirqi kaga badbaadey,waxaa kaloo jiro in dowladda ay iga hor istaagtay kulan aan la yeelan lahaa Ardayda Soomaaliyeed ee wadanka Maleesiya ayuu yiri” C/raxmaan Cabdi Shakuur.

Sidoo kale waxaa hadalkiisa uu intaa ku daray in sidoo kale uu ka cabsi qabo in dowladda ay ka joojiso kulan uu doonayo in uu la yeesho Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalka Masar.

Wareysiga uu siiyey Warbaahinta laga leeyahay Imaaraadka Carabta Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo aad u dheeraa ayuu ku sheegay in dowladda ay awoodeeda ku tijaabineyso sidii sumcadiisa wax loogu dhimi lahaa,isla markaana ay u adeegsanayaan Warbaahinta,iyaga oo ku bixinaya boqolaal Kun oo Dollar.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay haatan ka jirto dowlad taag daran oo aan awood laheyn,sidoo kalena aan dhageysan karin aragtida dadka kasoo horjeeda ee mucaaradka ku ah,isla markaana isaga uusan joojin doonin hadafkiisa ah dhismaha dowlad mideysan oo federaal ah.

 

About Author