Post View....

Jubbaland oo Ciidamo horleh geysay deegaano ka tirsan Gobolka Gedo & Xalad Casii ah oo jirta

0
79

Todobaadyadii la soo dhaafay waxaa dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo iska soo horjeeda ay ka socdeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Gedo,kuwaas oo kala taabacsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland.

Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo farabadan oo wata Gaadiidka dagaalka kana mid ah kuwa Jubbaland oo ka ambabaxay degmada Ceelwaaq ay gaareen duleedka degmada Beled-Xaawo

Ciidamadaan oo ad u hubeysan ayaa waxaa la sheegay inay ku biireen Ciidamo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Jubbaland C/Rashiid Xasan Cabdi Nuur( Janan),kuwaas oo ku sugan inta u dhaxeysa Magaaloyinka Beled-Xaawo iyo Mandheera.

Ciidamadaan ayaa waxaa la hadlay Korneyl Cabaas Ibraahim Gurey oo ka mid ahaa Saraakiisha sar sare ee Jubbaland,isaga oo sheegay inay ka qeyb qaadan doonaan howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.

Hayeeshee waxaa xusid mudan in deegaano hoostaga degmada Beled-Xaawo ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeeysa Ciidamada dowladda ay dhawaan halkaasi geysay iyo kuwa Maamulka Jubbaland.

Dowladda Soomaaliya weli si cad uma sheegin sababaha ay degmooyinka Gobolka Gedo Ciidamada u geysay,hayeeshee Madaxda Maamulka Jubbaland ay sheegeen in Dowladda Soomaaliya Gobolka Gedo kusoo duuashay.

 

About Author