Post View....

Marwada Ra’iisul Wasaaraha Lesotho oo loo haysto dilka xaaskii hore ee seygeeda

0
65

Marwada ra’iisul wasaaraha dalka Lesotho Maesaiah Thabane ayaa loo haystaa inay mas’uul ka ahayd dil loo geystey sanadkii 2017kii haweeney uu hore u qabay seygeeda.

Maesaiah Thabane ayaa isku soo dhiibtay ciidamada booliska iyadoo su’aalo la weydiinayo. Sidoo kale ra’iisul wasaare Thomas Thabane ayaa wax laga weydiinayaa dilka xaaskiisii hore Lipolelo Thabane.

Haweeneyda la qaarijiyay ayaa toogasho lagu diley magaalada Maseru labo maalmood ka hor inta aan xilka ra’iisul wasaarinimo loo dhaarin Thomas Thabane sanadkii 2017kii.

Dilka haweeneydan ayaa waxaa hore loogu eedeeyay inay ka dambeeyay rag hubeysan oo aan la garanayn,hase yeeshee qoraalo maxamad ay u soo gudbisay taliyaha ciidamada booliska Lesotho ayaa muujinaya eedeymo ka dhan ah marwada ra’iisul wasaaraha.

Warqad lagu soo xirayo ayaa la soo jaray tobankii bishii hore kadib markii la waayay haweeneydan 42 sano jirka ah.

Maanta ayaa laga soo qabtay sida la sheegay xadka Koofur Afrika uu la wadaago dalka Lesotho waxaana lagu wadaa in Arbacada maxkamad la soo taago.

About Author