Post View....

Daahir Geelle oo shaaciyay hadal argagax kunoqday MD Farmaajo iyo Kheyre ee doorashada soo socota

0
61

Wasiirkii hore Warfaafinta Amb. Daahir Maxamuud Geelle ayaa shaaciyay inuu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya sanadka 2021, kaddib hadal heyn soo baxeysay bilihii la soo dhaafay.

Amb. Daahir Geelle ayaa munaasabad soo dhoweyn ah oo loogu sameeyay magaalada Johannesburg waxaa uu kula hadlay jaaliyadda Soomaaliyeed, isagoo ka hor sheegay in qorshihiisa siyaasadeed.

“Waxaa ahay nin siyaasi ah oo idin ku imid inaa ahay Musharax oo hoggaanka dalkan hamiyay inaa noqdo, waa ogahay Xildhibaannada ma tihidiin, laakiin bulshada soomaaliyeed Soomaaliya meesha ay taallo dhibka badan uu ka heysto baa tihiin, waxaa tihiin tayo soomaaliyeed oo dibadda ku nool, si kale haddii loo fiiryo in geeska afrika inta laga soo baqoolo koofurta afrika la yimaado waxay muujineysaa wax weyn oo Soomaaliya ka heysto,waxaas ayaa rabaa inaan saxo, sidii loo sixi lahaa taladeeda aan idinla wadaago”ayuu yiri Sheekh Daahir Maxamuud Geelle.

Daahir Geelle ayaa soo noqday Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Sacuudi Carabiya , sidoo kale labo jeer ayuu soo noqday Wasiirka Warfaafinta iyo, ayaa sanadkii la soo dhaafay waxaa uu iska casilay xilkaas Xukuumaddii uu ka tirsanaa ee uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, kaddib markii ay isku fikir ka noqon waayeen isaga iyo xukuumaddii uu ka tirsanaa arrimo badan oo la xiriira habka dowladda wax u waday.

Dadka odorasa siyaasadda ayaa aaminsan in Daahir Geelle ka mid yahay musharaxiinta ugu culus ee loolanka ugu jira xilka Madaxweynaha Soomaaliya doorashada soo socota sanadka 2021.

About Author