Post View....

Labo ka mid ah Musharaxiintii mucaaradka oo tanaasul iyo taageero u muujiyay Axmed Qoor Qoor

0
69

Labo ka mid ah Musharaxiintii mucaaradka ahaa ee ka baxay Tartankii doorashada Madaxweynaha Galmudug oo lagu kala magacaabo Cabdi Dheere iyo C/llaahi Faarax Wehliye ayaa ku dhawaaqay inay soo dhoweynayaan doorashada Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, iyagoo ka tanaasulay mowqifkoodii hore.

Labo qoraal oo ay soo kala saareen Labadan Musharax ayay uga hadleen dadaalkii loo soo maray geeddi socodka dhismaha Galmudug.

C/llaahi Faarax Wehliye oo iska casilay xilkii Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha la doortay Axmed Qoor Qoor iyo Kuxigeenkiisa Cali Daahir Ciid.

“Anigoo og wadadii dheereed ee loo soo maray isku keenista Galmudug, isla markaana ilaalinaya midnimada iyo wadajirka Galmudug waxaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan reer Galmudug u cadeynayaa inaan soo dhoweynayo natiijadii kasoo baxday doorashadii Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug ee lagu doortay Axmed Cabdi Kaariye iyo Cali Daahir Ciid. Waxaan leeyahay Hambalyo, xilkana Allaha idinku asturo. Waxaana u balan qaadayaa inaan si buuxda ula shaqeyn doono Inshallah”ayuu yiir C/llaahi Faarax Wehliye.

Waxaa uu ugu baaqay Madaxda la doortay ee Galmudug iyagoo kaashanaya dowladda Federaalka, Saamileyda Siyaasadda iyo bulshada reer Galmudug inay isku doonaan dhinacyada tabashooyinka qaba, gaar ahaan Ahlusuna Wal-jameeca iyo Madaxweyne Xaaf, si xal waara loo gaaro Galmudugna looga dab looga daba geeyo Dowlad Goboleedyada dalka.

Sidoo kale waxaa uu u mahadceliyay Ra’iisul wasaaraha dadaalkii aan qiyaasta laheyn ee uu geliyay Galmudug ee mirahiisa la gaaray.

Dhinaca kale Cabdi C/llaahi oo loo yaqaano Cabdi Dheere ayaa isna qoraal uu soo saaray waxaa uu ku taageeray doorashadii Axmed Qoor Qoor, isla markaana uu yaqiinsaday xaalada dadka iyo deegaanka Galmudug oo aanay maanta xamili karin is qabqabsi hor leh oo horseeda in Maamulka burburo, sidaas darteed uu go’aansaday inuu u tanaasulo maslaxada guud ugu baaqo walaalaha kale in la isku tanaasulo lagana wada shaqeeyo Maslaxada Guud.

“waxaan aad u dhaliilsanahay qaabka loo maareeyay doorashada oo runtii ahaa mid aan laga qeyb-gelin saamileyda siyaasadeed ee deegaanka iyo guud ahaan dalka, Si kastaba ha ahaatee waxaan go’aansaday in aan u tanaasulo maslaxada guud, uguna baaqo walaalaha kale in la isku tanaasulo lagana wada shaqeeyo maslaxada guud. Waxaan u hambalyeynayaa walaalkey Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo daraad loo doortey Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug iyo madaxweyne kuxigeenkiisa Cali Daahir Ciid, waxaana eebe uga baryayaa inuu la garab-galo xilka culus iyo howsha balaaran ee u loo igmaday, waxaan kula dardaarmayaa Masuuliyiinta la doortey iney hormuud ka noqdo in dib u heshiisiin sal-balaaran loo sameeyo dadka reer Galmudug meel kasta oo ay joogaan iyo in tabashooyinka jira lagu xaliyo wada hadal”ayuu yiri Cabdi Dheere.

Xalay ayay aheyd markii Kamaal Gutaale Daahir uu soo dhoweeyay doorashadii Axmed Qoor Qoor, isla markaana tanaasulay, waxaana ay noqonayaan Musharaxiintii mucaaradka oo badi aqbalay natiijada doorashada, hase ahaatee waxaa weli mowqifkiisa caddeyn C/raxmaan Odawaa oo ahaa Musharaxii mucaaradka ee ugu weynaa, si weyn uga soo horjeeday qaabkii dowladda Federaalka u maareysay doorashadii Galmudug iyo hannaankii socday oo uu dhowr jeer dhaliilay.

 

About Author