Post View....

Madaxweyne Ku xigeenka Jubbaland & C.rashiid Janan oo ciidamo kula hadlay Baled Xaawo & Cabsii dagaal oo jirta

0
64

Madaxweyne Ku xigeenka Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan & Wasiirka Amniga Maamulkaasi Cabdi rashiid Janan, ayaa ciidamo kula hadlay duleedka Magaalada Baled Xaawo.

Magaalada Baled Xaawo qayb ka mid ah waxaa ku sugan Ciidamada Militariga dowladda Federalka Somaliya, halka qaybta kalena ay ku sugan yihiin Ciidamada Daraawiishta Jubbaland.

Maxamuud Sayid Aadan Madaxweyne Ku xigeenka Jubbaland ayaa uga digay Ciidanka Daraawiishta Jubbaland inay ka digtoonaadaan colaada dowladda Federalka Somaliya ay ka wado Gobolka Gedo.

Waxa uu sidoo kale ka hadlay xayiraad uu sheegay dowladd Somaliya inay saartay shacabka Gobolka Gedo, arrintaasina wuxuu ku tilmaamay mid aanan wanaagsaneyn in shacabka la cunaqabateeyo.

Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland Cabdi rashiid Janan, ayaa dhankiisa ku ammaanay Ciidamada Jubbaland sida geesinimada leh ee ay ugu taagan yihiin difaaca deeganadooda.

Waxa uu kala dar daarmay Ciidamada inay iska illaaliyaan dhexdooda in laga dhex faa,iideysto oo la iska horkeeno.

About Author