Post View....

XOG: Qoor Qoor oo maka dhabeyn doonaa qorshihiisa cusub ee Galmudug,Mise Xaaf ayuu raaci doonaa,

0
57

Sida dadka qaar eem ku xeel dheer arrimaha siyaasadda ay qabaan, madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor ayaa rajo badan laga qabin inuu isku keeno dhinacyada ku kala aragti duwan dhismaha maamulka Galmudug iyo in hal meel laga jiheeyo Galmudug.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa maalmihii u dambeeyay waday kulamo kala duwan oo lagu xalinayo Khilaafka iyo hanaanka ugu fudud ee lagu dhammeyn karo.

Waxa uu sheegay in khilaafka ka dhashay doorashada maamulka Galmudug iyo kala aragti duwanaanshaha lagu dhameynayo wadahadal iyada oo lala kaa shanayo Odayaasha dhaqanka iyo Siyaasiyiinta Galmudug.

Doorashada Galmudug ayaa waxaa ka dhashay khilaaf Siyaasadeed iyada oo dhowr madaxweyne lagu dooray deegaanada maamulkaas,waxaase balan qaaday arrintaan in la dhameynayo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor.

Dowladda Soomaaliya ayaa tan iyo bilowgii dhismaha Galmudug waxa ay sheegtay in la dhisayo Galmudug loo dhanyahay,inkasta oo doorashada Qoor-qooq ay aqoonsatay dowladda fedraalka Soomaaliya iyo maamul gobaleedyada.

About Author