Post View....

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir oo shaaciyay Qodobadda ay ku fashilantay dowladda Farmaajo & Halin arin oo ka digay

0
69

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku eedeeyay dowladda dhexe ee Soomaaliya in ay ku fashilantay Waxyaabihii loo idmaday.

Waxaa uu sheegay in Saddex sano oo Farmaajo uu ahaa Madaxweynaha dalka dhammaan ay istaageen shaqooyinka muhiimka ahaa ee bulshadda, Amniga iyo xiriirka maamulada dalka ka jira.

Waxaa uu sheegay in Saddexdii Sano ee lasoo dhaafay Xukuumadda Soomaaliya ay ku fashilintay qodobo ay ka mid yihiin:

Dhismaha Ciidamo Qaran oo hanta amniga guud ee dalka, AMISOM na kala wareega meelaha ay Soomaaliya ka joogaan.

Wadahadal dhab ah oo aanan lala gelin Soomaaliland taas oo caqabad ku ah midnimada dalka.

Siyaasadeed arimo dibadeed oo fadhisa ma aysan hirgalin, waxana ay ka dhammaan weyday shir seddex geesood ay ku sheegtay Itoobiya Iyo Ereteria.

Dhammeystirka Dastuur oo aas aaska u ah dowladnimada.

Qorsho Amni oo dowladda Federaalka Iyo Maamul hoboleedyada ay iska kaashadaa sidii Al-Shabaab looga xureyn lahaa guud aaan dalka.

Dowladda ma sameynin dib u heshiiin guud oo dalka ka hirgala

 

About Author