Post View....

Madaxweyne Farmaajo oo maanta saxiixay sharciga Batroolka & Xili Puntiland iyo Jubbalan ay diiden

0
60

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa saxiixay Sharciga Baatroolka dalka, kaddib markii Labada Aqal ee Baarlamaanka ay soo dhammeystireen hannaankii sharci ee kaga aaddanaa dhaqan galkiisa.

War saxaafadeed laga soo saaray Madaxtooyada ayaa lagu yiri “Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda uu shacabka iyo Dowladnimada Soomaaliyeed u leeyahay sharcigan oo hagaya xuquuqda muwaadiniinteennu ay u leeyihiin in looga faa’iideeyo khayraadka ceegaaga dhulkeenna, isaga oo xeyndaab u noqonaya, kana ilaalinaya takri-falka, damaca shisheeye iyo musuqmaasuqa”

 

Sidoo kale, meel-marinta Sharciga Baatroolka waxa ay maalgashadeyaasha caalamiga ah u muujinaysaa sida ay uga go’an tahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ka miro-dhalinta hiigsigooda ku aaddan xasilloonida dalka iyo in ay wadajir ugu tallaabaan Guga barwaaqo-sooranka iyo horumarka .

Madaxweyne Farmaajo ayaa Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Xukuumadda, Xildhibaannada iyo dhammaan khubaradii Soomaaliyeed ee qaybta ka qaatay uga mahadceliyey dadaalka ay galiyeen sharcigan dhaxal reebka ah.

Sharciga Baatroolka ee uu meelmariyey Madaxweynaha ayaa ku saleysan sharciyaddii Batroolka iyo macdanta dalka, dastuurka iyo Heshiiska Lahaanshaha, Maamulka iyo Wadaagga Kheyraadka Dabiiciga ee lagu saxiixay Baydhabo.

Inkastoo sharcigan uu saxiixay Madaxweyne Farmaajo, horayna Labada Aqal u ansixiyeen ayaa waxaa ka soo horjeestay Maamulada Puntland iyo Jubbaland, waxaana xilligii Aqalka Sare ansixiyay sharcigan bishii Janaayo isaga baxay shirka Senatarada ka soo jeeda Puntland.

Si kastaba ha ahaatee sharciga Batroolka ayaa ahaa sharci si weyn ay u daneyneysay Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Kheyre oo loo arkay inay si weyn galaan gal badan uga jirtay sharcigan meel marintiisa, marka loo eego sida Ra’iisul Wasaare Kheyre u daneynayo arrimaha shidaalka, maadaama horay Madax ugu ahaa Shirkadda SOMA OIL and Gas, inta aan loo magacaabin xilka Ra’iisul Wasaaraha.

 

 

About Author