Post View....

Al-Shabaab oo war ka soo saaray Askar Itoobiyaan ay ku dileen Gobolka Bakool, kana furtay hubkooda

0
66

Wararka ka imaanaya degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa sheegaya in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay shalay gelinkii dambe labo askari Itoobiyaan ah, kana furteen hubkii ay wateen.

Al-Shabaab ayaa war ay soo saareen waxay ku sheegeen in labo ka tirsan Ciidamada Itoobiya ay ku dileen deegaan ka tirsan Gobolka Bakool

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegay in labada askari ay ahaayeen kuwo baxsad ahaa oo ka goostay saldhigga Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin garoonka diyaaradaha Waajid.

Warka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in labada askari ay doonayene inay u tallaabaan dhanka Itoobiya oo ay lug ku aadaan.

Al-Shabaab ayaa intaa ku daray inay ka furteen labo qori oo isugu jira AK47 iyo qoriga sam shooter-ka loo yaqaan ee shiishka leh.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Taliska Ciidamada Itoobiya, iyadoo inta badan aan looga baran inay ka hadlaan howlgaladooda iyo weerarada ay la kulmaan ciidankooda.

Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa ka mid ah degmooyinka gobolkaas ee ay horay Al-Shabaab u go’doomiyeen, iyadoo saanada ciidamada lagu gaarsiiyo diyaarado.

 

About Author