Post View....

Ingiriiska: 90 tahriibayaal oo doomo laga soo badbaadiyey.

0
55

Sagaashan tahriibayaal oo ay carruur ku jiraan ayaa lagu soo badbaadiyey xeebaha dalkaasi Ingiriiska.

Siddeed doomood oo kuwa yaryar ayaa soo gaaray biya xireenka Dover, mid ka mid ah doomahaasina ay sidday 21 tahriibayaal oo rag ah.

Wasaaradda Arrimaha gudaha Ingiriiska waxay sheegtay dadkaasi muhaajiriinta ee la soo badbaadiyey inay u dhasheen waddamada Suuriya, Yemen iyo Maali.

Carruurta la soo badbaadiyey si ay daryeel u helaan waxaa loo gudbiyey xaruumaha adeegga bulshada ee carruurta lagu xannaaneeyo.

Gaadiidka gurmadka degdegga ah oo ku sugan Dover

Lix doomood oo ka mid ah doomaha tahriibayaasha laga soo badbaadiyey waxaa gacanta ku haya ciidamada ilaalada xadka iyaga oo tahriibayaasha qaarkoodna ay booliska ku qabteen bartamaha magaalada Dover halka shan qof oo kalana laga soo qabtay beerta Samhire Hoe.

Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee helikoobtarka loo yaqaanna iyo ciidamada badbaadada xeebaha ayaa ku howlan baadi goobka haddii ay jiraan tahriibayaal kale oo biyaha ku go’doonsan.

Tony Eastaugh, oo ah agaasimaha ka hortagga dambiyada iyo howlgallada wuxuu sheegay dowladdu iney ku howlan tahay ‘sidi ay u xakameyn lahayd qaxootiga sharci darrada ah meeshey doonaaba dalka ha ka soo galaana, laamaha ay doonaanna ha soo maraane’.

‘Waxaa sida oo kale aad u kordhay ilaalada xeebaha Faransiiska oo adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, doonyaha gaarka ee dheereeya iyo aalada kale’ ayuu yiri.

Sanadki tagay oo keli ah dalka Britain waxaa doon ka soo galay dhanka biya xireenka 1,892 oo qof oo muhaajiriin ah.

Hay’adaha dowladda Faransiiskana waxay sheegeen 371 qof oo muhaajiriin ah oo sanadki hore isku dayay iney xadka tallaabaan 95 ka mid ah ay ku guuleysteen intooda kalana la qabtay.

Laba doomood oo 26 rag ay saarnaayeen waxaa gacanta ku dhigay ciidamada ilaalada xadka.
Laba doomood oo 26 rag ay saarnaayeen waxaa gacanta ku dhigay ciidamada ilaalada xadka.

About Author