Post View....

Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay khilaafka siyaasadeed iyo qaabka lagu dhameyn Karo.

0
48

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor oo maalmihii la soo dhaafay kulamo ka weday deegaanada maamulkaas ayaa ka hadlay khilaafka siyaasadeed iyo qaabka lagu dhameyn Karo.

Waxa uu sheegay in khilaafka ka dhashay doorashada maamulka Galmudug iyo kala aragti duwanaanshaha lagu dhameynayo wadahadal iyada oo lala kaa shanayo Odayaasha dhaqanka iyo Siyaasiyiinta Galmudug.

Doorashada Galmudug ayaa waxaa ka dhashay khilaaf Siyaasadeed iyada oo dhowr madaxweyne lagu dooray deegaanada maamulkaas,waxaase balan qaaday arrintaan in la dhameynayo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor.

Dowladda Soomaaliya ayaa tan iyo bilowgii dhismaha Galmudug waxa ay sheegtay in la dhisayo Galmudug loo dhanyahay,inkasta oo doorashada Qoor-qooq ay aqoonsatay dowladda fedraalka Soomaaliya iyo maamul gobaleedyada.

About Author