Senator C/raxmaan Faroole oo horay u soo noqday madaxweynaha Puntland ayaa lagu eedeeyay inuu caqabad ku yahay hannaanka Federaallka ee uu dalka qaatay,islamarkaana cadaadis ku hayo Dowladda Federaalka.
Faroole ayaa la aaminsan yahay inuu daaha gadaashiisa uu ku hagayo maamulka uu madaxweynaha ka yahay Siciid C/llaahi Deni oo la sheegay inuusan awood badan ku lahayn Kursiga.
Khilaafka sii xoogeysanaya ee ka dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland ayaa loo aaneynayaa inuu ku lug leeyahay Senator Faroole oo aanay haayn shaqadii loo igmaday ee Qaranka mana soo xaadiro kulamada golaha Aqalka sare ka yeelanayaan masiirka umadda Soomaaliyeed.
Warar hoose oo aan heleyno ayaa sheegaya in Faroole sabab u yahay cakirnaanta ka taagan xaaladda Waxbarasho ee Puntland,isagoona shidaal ku sii shubaya khilaafka ka taagan.
Waxgaradka Puntland iyo qaar ka mid ah dadka wax galka ah ayaa tilmaamaya in Senator C/raxmaan Faroole uu Puntland ku yahay sac ninkiisa seenta kaga taagan yahay.