Post View....

Dhageyso:Madaxweynaha Koofur Galbeed oo Magacaabay Guddiga soo xulista Xildhibaanada Maamulkaasi.

0
64

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa Magacaabay Guddiga Soo Xulista Barlamaanka Labaad ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xubnaha Guddiga oo ka kooban 10 Xubnood ayaa waxaa ay leeyihiin Guddoomiye,guddoomiye kuxigeen, Xogeyn iyo 8 Xubnood oo kamid ah guddiga soo xulaya Baarlamaanka labaad ee Koonfur Galbeed.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Koonfur Galbeed Maxamed Cali Ibraahim ayaa Warbaahinta u Akhriyey Xubnaha Guddiga ee uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Maxamed keerow Maxamed                                     Gudoomiye

Mudixiin Aaadan Ibraahin                                        Gudoomiye ku xigeen

Aadan Maxamed Cali                                               Xoghayn

Mowlid Xasan Axmed                                               Xubin

Jaylaan Maxamed Cawf                                            Xubin

Faadumo Maxamed Axmed                                       Xubin

Aamino cumar Maxamed                                          Xubin

Cumar Cali Isaaq Xubin                                            Xubin

Faarax Sheekh Maxmed                                            Xubin

Caa’isho ibraahim Cali                                              Xubin.Guddigaan ayaa waxaa ay ka Shaqeyn doonaan sidii ay u soo xuli lahaayeen Xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee Maamulka Koonfur Galbeed oo ka koobnaan doona 95 Mudane.


About Author