Post View....

Al-Shabaab Oo Weerar Madaafiic Ah Ku Qaaday Saldhig Ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Hiiraan.

0
63

Wararka aan ka heleyno ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay kusoo waramayaan in Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidanka Itoobiya ay ku leeyihiin deegaanka Halgan ee Gobolkaas.

Weerarka oo ahaa mid loo adeegsaday Madaafiic ayaa Al-shabaab waxaa ay ku garaaceen Saldhiga Ciidamada Itoobiya ee deegaanka Halgan, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan.

War qoraal ah oo lagu faahfiyay baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxay ku sheegeen in ilaa iyo 7 Madfac lagu weeraray Saldhiga Ciidanka, hayeeshee lama oga Khasaaraha dhimasho iyo dhaawac eek ka dhashay weerarkaas.

Sidoo kale dadka deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan ayaa soo sheegaya inay maqlayeen Jugta Madaafiic Cusub, iyagoona tilmaamay inay dareem cabsi oo xoogan.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer weeraro kala duwan ku qaaday Saldhiga Ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan, waxaana weerarada qaarkood ka dhashay khasaarooyiin kala duwan.

About Author