Post View....

SAWIRO:Ciidamada Dowladda Oo Howlgal Qorsheysan Fuliyey & Hogaamiye Alshabab oo lasoo qabtay

0
69

Ciidamo ka tirsan Taliska Qaybta 21aad ayaa waxaa ay howlgal ka sameeyeen deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud,kaas oo ay ku baadi goobayeen rag dilal geystay.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay oo ka socdey Guutooyinka 15aad iyo 13aad oo hoostaga Taliska Qaybta 21aad ayaa waxaa ay sheegeen inay howlgalka ka sameeyeen deegaanada Daadaale iyo Biyo Cado,isla markaana ay gacanta kusoo dhigeen rag laba ruux dilay.

Waxaa ay sheegeen inay qabteen 7 ruux oo saddex kamida ahaayeen darawaladii kaxeynayey baaburtii dilka loo is ticmaalay iyo Saddex kamida ragii dilka geestay.

Sidoo kale saraakiisha waxaa ay sheegeen inay ku raad joogaan hal Ruux oo sida ay sheegeen kamid ahaa ragga dilka geystay,isla markaana dhamaan dadka la qabtey ay Maxkamad horgeyn doonaan.

About Author