Post View....

Dhageyso” Wararkii ugu danbeeyay Dagaalkii dhexmaray Ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland

0
59

Wararka naga soo gaaraya degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan dowladda oo dhawaan la geeyay Beled Xaawo iyo Ciidanka maamulka Jubbaland ay ku dagaallameen duleedka Magaalada.

Iska horimaadka waxaa ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana la sheegay in Ciidanka Jubbaland ay hadda ay ku sugan yihiin duleedka Beled Xaawo.

Ciidanka Jubbaland ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka Amniga iyo Madaxweyne ku xigeenka Koowaad ee Jubbaland, halka kuwa dowladda ay hoggaaminayaan Saraakiil dowladda Soomaaliya ay dhawaan geysay Gedo.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegay in ay cabsi weyn ka qabaan in dagaalka uu sii xoogeysto, islamarkaana labadda Ciidan ay markale dagaallamaan.

Miid kamid ah odayaasha Degaanka ayaa warbaahinta faah faahin buuxda ka siyay dagaalka maanka ka dhacay degmada balad-xaawo

Xildhibaanada kasoo jeedda Gedo ayaa dhawaan ku eedeeyay dowladda dhexe ee Soomaaliya in ay Ciidamo ay ka qaaday Muqdisho geysay gobolka Gedo si ay xiisad uga abuuraan degmooyinka gobolka Gedo.


About Author