Post View....

Dagaalka Kismaayo ku dhexmaray Ciidanka Jubbaland iyo Ciidamo taabacsan Mucaaradka Maamulkaasi.

0
50

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagaal u dhexeeya ciidamada Jubbaland iyo ciidan taabacsan Xubnaha isbadal doonka Jubbaland oo diiday doorashadii sanadkii hore dhacday Magaalada Kismaayo.

Dagaalka ayaa yimid ka markii Ciidanka Jubbaland ay Xireen Wadooyinka Magaaladda Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose,taana ay ka biyo diideen Ciidamo ka amar qaata Xubhanaha Mucaaradka Jubbaland.

Dagaalka ayaa ka socda Xaafada Siinaay ee Magaaladda Kismaayo halkaas oo ay daganyihiin Xubnaha ka mid ah Isbadal doonka Maamulka Jubbaland oo uu Ka mid yahay Cabdinaasir Seeraar ee oo sheegtay in uu yahay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland.

Majirto ilaa iyo hada Khaasaare ka dhashay Rasaasta laga Maqlay Kismaajo oo la soo wariyay,hayeeshee dadka deegaanka ayaa soo sheegay in magaaladdaasi ka taagantahay Cabsi la xariirta in dagaalku ku fido magaaladda Kismaayo.

Mid ka mid ah

Magaalada ayaa waxa ku wajahan Wafdi uu hoggaminayo Danjiraha Dowladda Mareykanka Donald Yamamoto iyo Taliyaha guud ee Taliska Ciidamada Maraykanka ee Africa waxaana Ciidanka Jubbaland Xireen Wadooyinka Magaaladda Kismaayo.

 

About Author