Post View....

JAN. XIJAAR: “Howsha aan wadno dad ayay dhibeysaa oo doonaya inay u sii socoto wixii ay u barteen” (Xasaasi)

0
55

Laamaha amniga Dowladda dhexe ee federaalka Soomaaliya ayaa bilaabay qorsheyaal cusub oo ay wax uga bedelayaan guud ahaan amniga dalka, iyadoo meel marinta qorshahani ay hormuud u yihiin Taliska Booliska, Hay’adda Sirdoonka NISA, iyo waliba Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxayna saddexda laan ku dhawaaqeen inay si wadajir ah isaga kaashanayaan dib u habeyn lagu sameynayo dhinacyada socdaalka, kahortagga kooxaha ajnabiga ah ee dalka soo gelaya, bixinta dokumentiyada la siinayo muwaadinka, adkeynta howlaha sirdoonka dalka iyo howlo kale.

Taliyaha Ciidanka Booliska oo Kormeeray Ciidamo U Diyaar Garoobaya inay Howlgalo Amni ka bilaabaan Muqdisho.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya Jan. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo maalintii shalay khudbad ka jeedinayay kulan dhex maray madaxda iyo saraakiisha laamaha nabadgelyada Dowladda federaalka ayaa ka dhawaajiyay muhiimadda iskaashiga dhex maray saddexda hay’adood.

“Amniga dalka ayay muhiim u tahay wada shaqeynta saddexda hay’adood bacdamaa lagu soo duulay nabadgelyada dalka” ayuu yiri Taliyaha Booliska oo sheegay in kooxaha ka dambeeya weerarkii lagu qaaday Injineeradii Turkiga ee dhisayay wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye ujeedadoodu tahay inaysan dooneynin dib u dhiska dalka.

AKHRISO WARAR KALE OO XIISO LEH

Taliye Xijaar ayaa sheegay in sidoo kale kooxahaasi weerareen baalayaasha ay ku xirnaayeen kaamarooyinka si ay u khalkhal geliyaan amniga oo uu tilmaamay inuu muhiim u yahay ciidanka Booliska si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqa nabadgelyada magaalada Muqdisho.

Jan. Cabdi Xasan Xijaar ayaa khudbadiisa waxaa kale oo uu uga hadlay musuqmaasuq ka dhex jira taliska ciidanka Booliska Soomaaliya, isagoona hoosta ka xariiqay in taliye kasta lagula xisaabtamayo shaqada loo igmaday.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya oo maanta magacaabay Taliyayaal ciidan.

“Howsha aan wadno dad ayay dhibeysaa oo doonaya inay u sii socoto wixii ay u barteen” ayuu yiri Taliyaha Booliska Dowladda federaalka Soomaaliya oo daboolka ka qaaday inuu jiro musuqmaasuq baahay oo ka taagan hannaanka loo qorayo askarta iyo saraakiisha, isla markaana ay jiraan taliyeyaal iyo madax sare oo ka tirsan taliska Booliska inaysan gudaneyn waajibaadkooda.

Taliye Xijaar ayaa sheegay inay jirto faragelin dibadeed oo khatar ku heysa amniga dalka, kuwaasi oo dalka uga soo duulay cirka iyo dhulka maadaama sida uu tilmaamay ay iska furan yihiin dalka xuduudihiisa, waxaana khudbadda xasaasiga ah ee Jan. Xijaar ku soo beegmeysaa xilli uu weli hakad ku jiro dayactirka lagu sameynayo wadada dheer ee u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, kaddib markii  dhowaan ururka Al-Shabaab ku qaaday weeraro qasaare baxaad leh ka soo gaaray shacab ku sugnaa isgoyska Ex Kontrol Afgooye.

Somaliweyn Media Center (SMC)
Email: [email protected]
Muqdisho – Soomaaliya

About Author